KU SAABSAN - QUDUS ONLINE
Xaruunta Barashada Quraanka iyo culuumtiisa ee Online ka
QUDUS ONLINE waxa uu ka caawiyaa qoysaska iyo dadka waawayn ee qurbaha ku nool sidii ay u baran lahaayeen quraanka, higaada iyo barashada aasaasiyaadka diinta hab online ah iyada oo arday kasta ama familkastaa uu heli doono macalin u gaar ah dooran karana wakhtiga ku haboon.
Waa dugsi quran online ah oo xaruntiisa koobaad tahay magaalada Hargeisa lagana diiwaangaliyay wasaarada diinta iyo awqaafta horaantii sanadkii 2014. Waxaanu si firfircoon u caawinaa ardayda ku nool Europe, USA, Canada, Australia, iyo New Zealand.
Waxbarashada Dugsigu Bixiyo
Dugsigu wuxuu ardayda iyo qoysaska soomaaliyeed ee qurbaha ku nool ka dhisi doonaa qaybaha kala duwan ee Barashada diinta, iyada oo loo qaybiyay caruurta iyo dadka waawayn.
1. Higaada
Barashada aasaasiga ah ee akhrinta iyo kicinta quraanka kariimka ah, kaas oo ardayga u diyaarinaya xifdiga.
2. Quraanka
Barashada Quraanka kariimka ah, xifdintiisa, iyo tilaawadiisa (akhriska) iyadoo la raacayo hab tajwiid ah oo sax ah.
3. Wacyiga Diimeed
Kor u qaadista wacyiga diimeed ee ardayda iyadoo la barayo asaasiyaadka diinta, iyo fariinta Quraanka kariimka ah.
Manhajka Dugsiga
Dugsiga Qudus online Waxa uu raacaa manhaj casriya oo loogu talo galay waxbarashada online-ka ah oo qoysaska iyo dadka waaweyn u fududaynaya barashada:
Koorsada Higaada
Ardayda lagu baro akhriska iyo qorista una ah fure quraanka.
Nidaamka Quraanka
Nidaam fudud oo casri ah oo leh heerar kala duwan oo xifdi iyo tajwiid ah.
Islamic Studies (Dhalinyarada)
Barnaamij Tarbiya ah oo leh 8 marxaladood kaas oo loogu talo galay ardayda da'doodu ka yartahay 19 jir.
Islamic Studies (Waaweyn)
Barnaamij islaamiya oo leh 3 marxaladood kaas oo loogu talo galay dadka waawayn.
Habka Waxbarashada
Waxbarashadu dugsigu waxay ku baxdaa hab online oo toos ah (Live Classes). Arday kasta ama qoys kasta waxay heli doonaan xiisado u gaar ah iyaga oo ay u dhigayaan macallimiin rag iyo dumarba leh, iyo waqti ku filan.
Aaladaha aan isticmaalno:
Aragtida & Hadafka Dugsiga
Vision (Aragtida)
"Aragtida Dugsigu waa in aanu isku xidhno bulshada Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool iyo diintooda suuban, iyadoo xoogga la saarayo kobcinta wacyigooda diimeed, barashada Qur'aanka, fahankiisa iyo xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qoraalka."
Mission (Hadafka)
"Barista ardayda qorista carabiga, akhriska Qur'aanka, xifdintiisa, tajweedkiisa iyo fahankiisa. Sidoo kale barashada iyo fahanka aqoonta asaasiga ah ee Islaamka si loo dhiso jiil aqoon diimeed oo sugan leh."
Diyaar ma u tahay in aad ku soo biirto?
Bilaw maanta safarkaaga waxbarasho adiga iyo qoyskaaga. Isdiiwaangali oo dooro xilliga kugu habboon.
BILAW MAANTA