Qudus Online Logo
Luqadda / Lang
Isdiiwaangali

Sidee wax looga bartaa Dugsiga Qudus online?

Habka online wax looga bartaa dugsiga qudus online. Saddex talaabo oo fudud ayaad ku bilaabi kartaa barashada quraanka iyo diinta.

1

Isdiiwaangelinta

Buuxi Foomka diwaangalinta Ama toos noola soo xidhiidh Whatsapp.

2

Xaqiijinta & Qiimaynta

Waxa kula soo xidhiidhaya Qaybta Diwaangalinta iyo Qiimaynta ardayda cusub iyagoo kuu dhamaystiraya diwaangalinta isla markana kaga jawaabaya dhamaan hadii aad suaalo qabto iyo talo bixin waxbarasho.

3

Jidwalka & Casharada

Marka la qiimeeyo ardayga, waxaa loo diyaariyaa jadwalka waxbarashada, macalinka u dhigaya, iyo waqtiga uu bilaabayo casharrada.

Maxaa Looga baahanyahay ardayga?

  • Internet tayo leh
  • Computer, Laptop ama Mobile (Dadka waaweyn)
  • Deegaan xasilloon oo aan buuq lahayn
  • App: Microsoft Teams ama Google Meet Halkan kala soo dag Teams →

Sidee ayaan casharrada ula soconayaa oo u arkayaa?

Casharrada ay dhigayaan macalimiintu ardaygu waxa uu ka arkayaa shaashada si live ah, si toos isagoo ula soconaya ayuu macalinku isticmalayaa E-board isagoo ula soconaya hab maqal iyo muuqaal ah sidoo kale dhamaan casharada la dhigayo oo buugaag dabacan iyo kuwa soft ah .

Fiira gaar ah

  • Camarada dadka waaweyn: Ikhtiyaar ayay u furan tahay, qasab ma aha.

  • Qaybta carruurta: Waa daruuri in la furo camarada xiliga casharka.

Diyaar ma u tahay in aad ku soo biirto?

Bilaw maanta safarkaaga waxbarasho adiga iyo qoyskaaga. Isdiiwaangali oo dooro xilliga kugu habboon.

BILAW MAANTA