SUAALAHA AAD ISWAYDIINAYSO
Dhammaan jawaabaha su'aalaha ku saabsan Qudus Online, barnaamijyadeena, iyo qaabka aan wax u dhigno.
1. Qudus online?
Waa dugsi ama madrasad online ah oo lagu barto higaadda Carabiga, xifdiga Quraanka, akhriska Quraanka, tajwiidka, iyo asaasiyaadka diinta. Xarunteedu waa Hargeysa, waxaana la aasaasay horaantii sanadka 2014. Dugsigu wuxuu ka diiwaangashan yahay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
2. Dugsiga Qudus online xaguu ku yaalaa?
Xarunta guud ee dugsigu waxay ku taallaa Hargeysa. Lakiin dugsigu waxa uu u adeega oo wax ka barta dhamaan umadda somaaliyeed ee qurbaha ku nool meelkasta oo ay joogaan
3. Sidee dugsiga wax looga bartaa?
Dhamaan waxbarashada dugsigu waa mid online ah. Ardaydu waxay casharrada ku qaataan hab maqal iyo muuqaal ah, iyagoo isticmaalaya barnaamijyada ay ka mid yihiin Microsoft Teams, Zoom, iyo Telegram.
4. Dugsigu ma u gaar yahay caruurta iyo qoysaska mise dadka waawayn?
Dugsiga Qudus Online wuxuu bixiyaa laba qaybood oo waxbarasho: Qaybta waxbarashada dadka waaweyn, iyo Qaybta waxbarashada carruurta iyo qoysaska.
5. Ma group ayaa wax lagu dhigta mise kali ama si gaar ah?
Waxbarashada dugsigu waa 'one-on-one'. Hal arday ama hal qoys waxa wax u dhigaya hal macalin oo siiya waqti u gaar ah.
6. Waqti intee le'eg ayaa halkii arday la siiyaa?
Waxay ku xiran tahay qaybta uu ardaygu ama waalidku doorto: Qaybta Waqtiga Furan, macalinka ayaa wacaya ardayga; Qaybta Waqtiga Xaddidan, ardaygu wuxuu helayaa oo keliya wakhtiga loogu talo galay sida 30 daqiiqo ama 60 daqiiqo.
7. Nidaamka dugsiga iyo maamulkiisa?
Dugsiga Qudus Online wuxuu leeyahay nidaam iyo maamul u gaar ah oo ka kooban: Maamulka guud, Qaybta diiwaangelinta, Maamulka waxbarashada, Qaybta manhajka iyo imtixaanaadka, iyo Qaybta maaliyadda.
8. Xaalada ardayga iyo warbixinaha waxbarashada?
Macalimiintu waxay soo gudbiyaan warbixinno maalinle ah iyo kuwo bille ah. Sidoo kale, waalidka waxaa lala wadaagaa warbixinno joogto ah.
9. Imtixaanaadka dugsiga iyo qiimaynta waxbarasho ee ardayda?
Imtixaanaadka dugsiga wuxuu u qaybsamaa saddex qaybood: Imtixaan dhammaadka barnaamijka, Imtixaanka labada term (lixdii biloodba mar), iyo Imtixaanaadka tijaabada ah ee macalimiinta.
10. Shahaadada dugsigu bixiyo?
Waxaan bixinnaa shahaadooyin la aqoonsan yahay oo leh tixraac, ID, iyo QR code. Shahaadooyinku waxay iskugu jiraan: dhammaystirka qaybaha dugsiga (higaadda), ijaazada Quraanka, iyo dhammaystirka asaasiyaadka diinta.
11. Yuu u shaqeeyaa dugsigu?
Dugsigu wuxuu u shaqeeyaa dhamaan umadda Soomaaliyeed ee joogta wadamada qurbaha, kuwaas oo isugu jira dad waaweyn iyo carruurba.
12. Macalimiintu xagay joogaan?
Macalimiintu waxay joogaan Hargeysa iyo Masar.
13. Ma leedihiin qayb macalimado dumar ahi dhigaan?
Haa. Waxaa diyaar ah macalimiin rag iyo dumar ah oo xirfadoodu sarayso.
14. Macalimiintu luqada English ma ku hadlaan?
Haa. Macalimiinta dugsiga waxaa shardi u ah inay ku hadlaan afka Soomaaliga, Carabiga, iyo Ingiriisiga.
15. Khibrada macalimiinta?
Macalimiinta Dugsiga Qudus Online waxay haystaan khibrad sare. Waxaa shardi ah in macalinku haysto ugu yaraan 5 sano oo khibrad ah.
16. Dugsigu ma bilaash (lacag la'aan) ayaa lagu dhigtaa?
Maya. Dugsiga Qudus Online waxaa wax lagu bartaa lacag bille ah.
17. Meeqa imisa ayaa halkii arday laga qaadaa?
Qiimaha bisha wuxuu ka bilaabmaa $35 ardaygii. Haddii ardaygu uu doorto wakhti dheeraad ah, qiimuhu wuu ka duwan yahay.
18. Diwaangalintu ma lacag baa?
Maya. Diiwaangelinta dugsiga lacag la'aan ayaa la isku diiwaangeliyaa. Ardayga cusub wuxuu haystaa 3 maalmood oo tijaabo ah.
19. Qoysaska ka kooban dhawrka arday ma leeyihiin qiima dhimis?
Haa. Dugsigu wuxuu u sameeyaa qiimo dhimis qoysaska wata 3 arday iyo wixii ka badan.
20. Sidee loo bixiyaa lacagta dugsiga ama feega?
Lacagta waxaa loo bixiyaa iyadoo laga bixiyo nidaamka dugsiga (Mastercard, Visa) ama iyadoo la isticmaalo adeegyada xawilaadaha ee mobile-ka (PaySii, Dahabshiil, WorldRemit, Taaj, iwm).
21. Dugsiga Qudus Online maxaa laga bartaa ama lagu dhigaa?
Waxbarashada ugu muhiimsan waa: Barashada higaadda Quraanka, Barashada Quraanka (xifdi iyo akhris), Barashada asaasiyaadka diinta, iyo koorsooyin gaar ah sida Carabiga iyo Soomaaliga.
22. Dugsigu sidee ayuu ardayga kula socdaa waxbarashadooda iyo horu markooda?
Maamulka, macalinka, waalidka, iyo ardayguba waxay si buuxda ula soconayaan heerka waxbarasho iyo warbixinadiisa nidaamkeena dhexdiisa.
24. Sideen isku diwaangaliyaa ama dugsiga u bilaabaa?
Marka koobaad iska diiwaangeli halkan oo buuxi foomkan. Intaas kadib waxaa kula soo xidhiidhaya qaybta diiwaangelinta dugsiga si loo hubiyo heerkaaga waxbarasho.
Wali su'aalo kale miyaad qabtaa?
Haddii aadan helin jawaabtii aad raadinaysay, fadlan nagala soo xidhiidh WhatsApp.