Barashada DIINTA & Tarbiyada
Dugsiga Qudus Online waxa uu u diyaariyay bulshada Soomaaliyeed ee qurbaha ku dhaqan manhaj tarbiyo islaami ah oo si weyn loo habeeyey, kaas oo kor u qaadaya wacyiga iyo aqoonta diimeed ee ardayga.
Qaybaha Barnaamijka
Barnaamijkan diinta iyo tarbiyadu waxa uu ka kooban yahay laba qaybood oo waaweyn oo si gaar ah loogu habeeyay da' kasta.
Qaybta Caruurta
Qaybtani waxa ay bixisaa manhaj tarbiya oo si gaar ah loogu talagalay carruurta, kuna salaysan barashada diinta iyo fahamka aasaaskeeda si loogu tarbiyeeyo akhlaaqda Islaamka.
Qaybta Dadka Waawayn
Qaybtan waxaa si gaar ah loogu talagalay dadka waaweyn ee raba inay dib u bartaan ama ku kobciyaan asaasiyaadka iyo aqoontooda diimeed si qoto dheer.
Su'aalaha Inta Badan La Isweydiiyo
Jawaabaha faahfaahsan ee ku saabsan barnaamijka Tarbiyada.
Goorma ayaa ardayga loo dhigayaa barnaamijkan?
Duruustan waxa lagu dhinac dhigaa xiisadaha barashada Qur'aanka iyo maalmaha qaarkood toddobaadkii.
Barnaamijkan tarbiyada ahi muxuu ku saabsan yahay ama ka kooban yahay?
Manhajkan ama barnaamijkan waxa uu ka kooban yahay oo ardayga lagu barayaa qaybaha kala duwan ee diinta sida barashada caqiidada, barashada salaada iyo cibaadada (fiqiga), barashada adaabta iyo akhlaaqda, barashada xadiiska Nabiga, barashada ducooyinka, barashada siirada Nabiga, iyo in ka badan.
Sidee ardayga loo barayaa?
Barnaamijkan waxa uu u habaysan yahay hab heerar iyo marxalado kala sareeya ah oo koorsooyin ka kooban qaybaha kor ku xusan. Marka uu ardaygu dhammeeyo koorsada mid ah, waxa uu u gudbayaa ta xigta.
Bilaw Barashada Diinta Maanta
Ku xidhow diintaada adiga iyo qoyskaaguba idinkoo jooga qurbaha. Isdiiwaangeli oo dooro xilliga kugu habboon.
BILAW MAANTA