Koorsooyinka Dugsiga Qudus online
Machadku waxa uu u diyaariyay ardayda manhaj iyo duruus dhammaystiran oo casri ah kuwasoo ka kooban barashada Higaada quraanka (akhrinta iyo qorista higaada carabiga), Barashada Quraanka (Xiftiga iyo tilaawada) oo Tajweed ah iyo Barnaamij Tarbiya ah.
Faahfaahinta Qaybaha koorsooyinka
HIGAAD
Manhajka iyo koorsada Higaadu waa bar-bilowga arday kasta oo raba in uu barto qorista iyo akhrinta carabiga si uu kaligii u akhrisan karo Quraanka iyo carabiga.
Faahfaahin dheeraad ah
QURAAN
Qaybta Barashada Quraanka waxa uu Dugsigu u dajiyay nidaam iyo manhaj fudud ah oo ardayga u sahlaya inuu muddo kooban ku barto Qur'aanka (Xiftigiisa, Tilaawadiisa iyo Tajwieedkiisa).
Faahfaahin dheeraad ah
TARBIYA
Barnaamijka barashada diinta iyo tarbiyadu waa manhaj loogu talo galay caruurta iyo dadka waawayn si loogu kobciyo wacyigooda diimeed iyo barashada aasaaska diintooda.
Faahfaahin dheeraad ah